Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Bangiga Preimer oo kuyaala agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuciisu ahaa Qooqan ama Hilux oo horyaaalay Bangiga Preimer, waxaana goobtaasi ku gubtay gaarigii qaraxa lagu soo xiray sida goob joogayaal noo sheegeen.

Lama sheegin khasaaro dhimadho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan sidoo kale la ogeyn cida iska laheyd gaarigan qaraxa lagu soo xiray.

Qaraxyada lagu soo xiro gaadiidka Qooqanta ama Hilux-ta ay inta badan saaran yihiin ilaalada hubeesan ayaa mudooyinkan dambe noqday mid ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana horey inta badan qaraxyada loogu xiray jiray gawaarida yar yar ee raaxada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -