Rag Soomaali ah oo lala xiriirinayo Daacish oo Mareykanka lagu xiray (Akhriso Magacyada)

Booliiska Mareykanka ayaa xiray sadex nin oo asalkoodu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Mareykanka, kuwaa oo looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin ama taageero u yihiin kooxda Daacish.

Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa sheegay in saddexda ee asalkoodu Soomaaliga yahay  oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay qorsheenayeen in ay taageero u fidiyaan Daacish.

Ciidamada Dambi baarista Mareykanka ayaa isniintii xiray sadex eedeesane oo lagu kala magacaabo Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana sadexdan nin la tuhmayaa in Daacish taageero u yihiin.

Waraaqaha lagu qoray dacwada ragan loo heesto ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids.

Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids.

Dambi baarayaasha ayaa baaritaano kuwada sadexdan nin ee loo heesto in ay taageero u yihiin kooxda Daacish, lamana oga wali in walaalo yihiin iyo in kale  Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse oo labada magac ee dambe wadaaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -