Allbanaadir.com
NEWS

Weerar lagu qaaday saldhig weyn oo kooxda Al Shabaab ku diyaarinayeen Qaraxyo

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo garab ka helayay ciidanka xoogga dalka ayaa saakay aroor hore weerar dhinaca cirka ah ku qaaday saldhig weyn oo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka saakay aroor hore dhacay lagu beegsaday howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday gaadiid kooxda Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi khasaaro badan lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay ku beegsanayaan kooxda Al Shabaab, duqeymo maalmihii lasoo dhaafay dhacay ayaana lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahnno katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Xukuumadda Somalia oo Xeer ka soo saartay Dhaqan galinta Habraaca Heshiisyada

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan booliiska Somalia oo tababar loogu soo xiray Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Askariyad loo xiray in ay guur ka aqbashay nin jeclaa oo guur ka dalbaday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---