Askari dil bareer ah u geestay Gabar Askariyad ah oo Xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay

Wararka ka imaanaya deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka Maamulka Jubbaland dil u geestay gabar askariyad ah ay kawada tirsanaayeen ciidanka.

Dilka uu askarigan u geestay gabadha ay ciidanka kawada tirsanaayeen ayaa ka dhacay xero ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Dhoobley, waxaana dilka la sheegay in uu ka dhashay muran.

Sida aan wararka ku helnay Fowsiya Xasan Khaliif oo aheyd gabadha la dilay ayaa xiriir jaceyl waxa uu kala dhaxeeyay askariga dilka u geestay, waxaana la sheegay in dhawaan uu soo kala dhax galay muran aan la cadeyn waxa uu salka ku hayo.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay askariga dilka u geestay gabadha askariyada ah ee xiriirku kala dhaxeeyay, waxaana la filayaa in askarigan maxkamada lasoo taago laguna rido xukun adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -