Wararkii u dambeeyey xiisadii caawa ka taagneyd Muqdisho & Ciidamadii DF oo..

Xiisadii caawa ka dhalatay weerarkii DF damacsaneyd iney ku qaado Saadaq John iyo ciidamadiisa ayaa qabowday saqdii dhexe markii dib loo soo celiyey ciidamadii Haramcad ee howlgalkaas fulin lahaa.

Saadaq John oo watay ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal ayaa caawa saldhigtay degaanka Shiirkole oo ku dhow Wasaarada Gaashaandhiga Somalia.

Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ayaa ka dib lagu daadiyey xaafado ku dhow Shiirkole, kuwaasoo qorshohoodu ahaa iney weeraraan taliye Saadaq Joon iyo ciidamadiisa.

Arrintaas ayaa xiisad iyo xaalad kacsanaan ka dhalisay magaalada Muqdisho, waxaana baraha bulshada ka bilowday olole qabyaaladeed oo ku baaqaya in Saadaq Joon laga difaaco ciidamada DF, kaasoo ay wadeen xildhibaano, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameeyo ku heyb ah Saadaq Joon.

Warar aanu ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in RW Rooble iyo Madaxweyne Qoor-Qoor oo halkaas kulan xasaasi ah ku yeeshay ay isku afgarteen inaan la joojiyo howlgalka ka dhanka ah Saadaq Joon taasoo sababtay in dib loo soo celiyo ciidamadii fulin lahaa weerarkaas.

Shacab fara badan ayaa caawa ka qaxay xaafada Shiirkole markii ay arkeen ciidamada iska horjeeda oo xaafadaas ka xirtay difaacyada, waxaana dadka degaanka qaarkood sheegayaan in ciidamada halkaas joogay ay amar ku siiyeen iney demiyaan Leyrarka.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata iney fooleyneyso dagaal aan la ogeyn saameynta ka dhalan karta oo ka dhashay muddo kororsiga ay sameysteen Farmaajo iyo kooxdiisa.

Dhinaca kale, xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa bilaabay iney qortaan ciidamo, hub fara badana iibsadaan, iyagoo qorsheynaya iney kala degaan daafaha magaalada.

Sababta ay isku hubeynayaan ayey ku macneeyeen inay tahay  naftooda iney ka difaacaan Madaxweyne Farmaajo oo ay sheegeen inaan la isku haleyn karin tan iyo markii uu dhacay weerarkii 19-kii Febraayo ee sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -