Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay uu ka dhacay Isgooska Carwa Itko ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa lagu aasay bar ay inta badan ciidanka booliiska dadka ku baaraan , waxaana xiliga qaraxa miino uu dhacayay goobtaasi ku sugnaa askar katirsan booliiska.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxan miino ee goordhaw ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale qaraxan dhaawacyo kasoo gaareen ciidamo katirsan booliiska.

Goobta qaraxu ka dhacay oo aheyd goob mashquul badan ay maraan gaadiid badan sidoo kale kuyaaal goobo ganacsi, waxaana qaraxa kadib aagaasi xiray ciidanka booliiska oo baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada miino ayaa inta badan ka dhicin magaalada Muqdisho, waxaana mararka qaar qaraxyadan oo lagu soo qariyo baakado iyo waxyaabo kale lasoo dhigaa qaar kamid ah laamiyada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -