Nin hubeysan oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Ciidamada Booliska dowlada Somalia ayaa caawa nin hubeysan ku toogtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa ka dhacay meel ku dhow xaafada Sei-biano ka dib markii ciidamadu ka shakiyeen ninkan oo ku hubeysnaa bastoolad.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay amar ku siiyeen ninkan inuu joogsado bastooladana dhigo balse waa cararay isagoo isku dayay inuu baxsado taasoo keentay in ciidamadu ay toogtaan.

Meydka ninkan ayaa caawa yaalla goobta lagu dilay, lamana aqoonsan illaa hadda qofka uu ahaa ama cida uu ka tirsanaa, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka oo lagu ogaanayo sababta uu bastoolada u watay iyo inuu ka tirsanaa kooxaha wax dila ee Al-shabaab iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -