Dhismayaal kuyaala Muqdisho oo saakay la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa saakay bur buriyay dhisamayaal si sharci daro ah looga dhisay dhul dan guud ah, waxaana bur burinta dhismayaashaasi lagu sameenayay goob joog ka ahaa Duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Dhismayaal ganacsi iyo kuwa kale oo kuyaala degmada Waabari gaar ahaan waaxda October ayaa saakay maamulka gobolka Banaadir ku sameeyay bur burin, waxaana inta badan dhulka la dhigay dhismayaashii sida sharci darada ahaa halkaasi looga dhisay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo Warbaahinta kula  hadlay goobta bur burinta ka socotay ayaa sheegay in dhisamayaasha la bur buriyay si sharci daro ah looga dhistay dhul danguud ah.

Duqa Muqdisho ayaana digniin u diray dadka sida sharci darada ah ku dhistay dhulka danta guud , waxa uuna sheegay in maamulkiisa la socdo dhulka danta guud ee sharci darada loo dhistay ayna talaabo ka qaadi doonaan dadka dhistay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale u bur buriyay dhisamayaal sharci dara ah oo kuyaala degmada Waabari, waxaana xusid mudan in ay jiraan dhismayaal badan oo si sharci daro ah loo dhistay oo mamaulka gobolku awoodin in uu bur buriyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -