Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisey heshiis ay la gaartay Somaliland

Puntland oo Warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis maxaabiis is weydaarsi la gaartay dowladda Somaliland, iyadoo aysan jirin gacan kale oo u kala dab-qaadaysay labada dhinac.

Warsaxaafadeedkan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in labada dowladood isla garteen in maanta oo Taariikhdu tahay 30.04. 2025 ay is weydaarsadaan maxaabiis tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus oo ku kala xirnaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

“Dawladda Puntland waxay heshiis isweydaarsi maxaabiis la gaartay Dawladda Somaliland iyada oo aysan jirin gacan kale oo u kala dabqaadeysa. Labada dhinac waxay isla garteen in maanta oo ay taariikhdu tahay 30.04.2025 is-weydaarsadaan maxaabiis tiradoodu tahay 26 maxbuus oo ka soo kala jeeda labada Dawladood kuna kala xiran xabsiyada Hargeysa iyo Garowe” ayuu u qornaa Warsaxafadeedka.

Related posts

DFS oo lagu wargaliyay ciidamada Itoobiya ee dalka soo galay iyo ujeedkooda

Cabdi Cade

Youtuber-ka Baba Jeey oo jebinaya xeerarka dhaqanka iyo diinta Islaamka !

Cabdi Cade

Shiikh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---