Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhacay iyo Xukuumadda oo…

War- saxaafadeed caawa kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in uu dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday in beri ka furmo Muqdisho.

Waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya in wadatashi kaddib shir dib loogu dhigay 5- ta bishan oo ku beegan maalinta Isniinta soo socoto , lamana shaacin ilaa hadda sababta rasmiga ah ee shirkan dib loogu dhigo.

“Warka ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) uu si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho berrito, ayaa kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranku waxa ay ku go’aamiyeen in shirku qabsoomo maalinta Isniinta ee 5ta bisha Maajo 2025” ayaa lagu yiri warka Xukuumadda kasoo baxay.

Madaxweyne Soomaaliya, ayaa horey ugu baaqay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirkan diirada lagu saari doonaa arrimo xasaasi ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran , ayaa lasii ogyahay in aysan kasoo qeyb geli doonin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo khilaaf kala dhaxeeyo DFS, waxaana shirkan markii ugu horreysay lagu casuumay maanulka SSC Khaato .

 

Related posts

Ciidamada Mareykanka oo soo riday walax kale oo duuleysay xadka Canada

Caydiid Ali

Aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Hay’ada Hormuud Salaam ayaa deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe Iyo Isbitaal martini (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---