Abiy oo War cusub kasoo saaray Ciidamo ka socda Sudan Iyo Eritrea oo jooga gudaha Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha dalka Itooobiya, Abiy Ahmed, ayaa qiray ciidamo ka socda dalalka Sudan iyo Eritrea in ay joogaan gudaha dalka Itoobiya, waxa uuna sheegay in ciidankaasi laga shaqeenayo sidii dalka looga saari lahaa.

Waxaa horey loo shaaciyay in gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya joogaan kana dagaalameen ciidamo ka socda dalka Eritrea, waxaana hada soo baxaya in gudaha Itoobiya joogaan ciidamo ka socda dalka Sudan oo hada xiisad kala dhaxeyso dowlada Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamada dalalka Sudan iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan sidii looga saari lahaa dalkiisa, mana shaacin in ciidamada Sudan ka dagaalameen gobolka colaada ka aloosan tahay ee Tigrey.

Dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa xiligan ka dhax aloosan khilaaf xoogan oo dhanka soohdinta iyo biyo mareenka dowlada Itoobiya dhiseyso,waxaana dowlada Sudan dalbatay in ciidamada Nabal ilalainta Itoobiya ee jooga gudaha Sudan dalkeeda laga saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -