Jeneral Indha-Qarshe oo Shaaciyay in ciidanka ka baxayaan kuwa aan Damiirka laheyn

Taliyaha ciidamada xooga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka xooga Soomaaliyeed ay ka bixi doonaan kuwa aan Damiirka laheyn ee dilootay qabyaalada iyo tuugnimada.

Indha Qarshe ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya go’aansatay in la sameeyo tirakoobka ciidanka si loo helo tiro sax ah loona sameeyo qorshe wanaagsan oo mustaqbalka lagu hago ciidanka Milatariga .

” Aad ayaan ugu amaanayaa dowlada go’aanka ay qaadatay ee ah in la sameeyo tirakoob ,ciidan mustaqablka waxa tara dalka iyo dadka ayaa loo baahan yahay, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”.ayuu yiri Indha Qarshe.

Waxa uu sheegay Taliyaha ciidanka milatariga in go’aanka dowlada uu yahay mid sax ah oo loo baahnaa, waxa uuna xusay in ciidanku u baahan yahay in ay helaan xero sidoo kale helaan tababar wanaagsan balse taasi ka horeyso in tiradiisa la ogaado.

“Ciidanka wuxuu u baahan yahay xero in loo sameeyo, ciidanka wuxuu u baahan yahay inay helaan tababar wanaagsan, sidee qorshe loogu sameynayaa hadaan tiradiisa la ogeyn”.ayuu yiri  taliye Indhaqarshe.

Hadalka Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ciidamo katirsan milatariga sameeyeen gadood, kuwaa oo ka cabanaya in mudo dhowr bil ah aan la siin mushaar sidoo kale aysan helin raashin.

Ciidanka gadoodka sameeyay ayaana la sheegayaa in ay u badan yihiin kuwa aan rasmi aheyn oon la diiwaan galin, ciidankaasi ayaana u abaabulan qaab qabiil sidoo kale heesta hub qabiilkoodu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -