Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Milatariga Somalia oo ka qeyb qaadanaya Howlgalka Jubada Dhaxe (Daawo Sawirada)

Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo is garabsanaya ayaa ku jira diyaar garow duulaan ay ku qaadaan deegaano iyo degmooyin Al Shabaab ka maamulaan gobolka Jubada Dhaxe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhoor mar ku dhawaaqay in uu bilaabanayo howlgal la doonayo in Al Shabaabn looga saaro Gobolka Jubada Dhaxe oo guud ahaan gacanta ugu jira Al Shabaab.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa hada ku diyaarsan xeryo ciidan oo la isugu geeyay, waxaana la filayaa in ciidankan bilaabaan howlgalka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in ciidanka Milatariga diyaar u yahay duulaan lagu qaado Shabaabka ku sugan Jubada Dhaxe gaar ahaan Bu’aalle.

Waxa uu sheegay taliyaha ujeedka howlgalkoodu in uu yahay in Al Shabaab laga saaro gobolka Jubada Dhaxe gaar ahaan xarunta gobolkaasi ee Bu’aalle, waxa uuna xusay in ciidanka Milatariga hada kusii dhawaanayaan Bu’aalle.

Howlgalka ay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku doonayaan in Al Shabaab looga saaro gobolka Jubada Dhaxe gaar ahaan Bu’aalle ayaan wali si rasmi ah u bilaaban .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha ammaanka ee QM oo war cusub ka soo saaray joogitaanka ciidanka AMISOM

Caydiid Ali

Dad ku dhaawacmay Isbuurasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Ukraine oo dalab culus u gudbisay Iran ka dib qirashadii dayuuradii la soo riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---