Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Jen. Xijaar iyo Shiikh Shariif? (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sugida amnigeeda.

Qoraal kooban oo bartiisa Facebook ku shaaciyay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku yiri:

“Waxaa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wada hadalnay arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin”.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed”.

Jen. Xijaar ayaa sidoo kale xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna arrintani qeyb ka tahay isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka ka dib markii laga laabtay muddo kororsigii qalalaasaha dhaliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -