Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dab qabsaday qeybo ka mid ah Israel & Kumanaan qof oo..

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay wajahayso xaaladdii ugu sarreysay ee dabiici ah, kaddib markii dab si dhaqso ah u faafaya uu qabsaday buuraha ku hareeraysan magaalada Qudus, gaar ahaan keynta Eshtaol

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in dabku yahay midkii ugu weynaa ee qabsanaya dhulka ay maamullaan, tan oo keentay inay Israa’iil dalbato kaalmo caalami ah, qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa billaabay inay ku taageerraan sidii dabkan lagu damin lahaa.

Ma xaqiijin Israa’iil , waxa dhaliyay dabkan, balse warbaahinta Israa’iil qaarkood ayaa la xiriiriyay ficil ay ka dambeeyaan Falastiiniyiinta, xilli maanta ay Israa’iil u dabaal-deggayso maalinta ay u aqoonsan tahay ‘maalinta qaranimada.’

Madaxa kooxaha dab damiska ee Qudus ayaa sheegay inuusan ilaa iminka garanayn sababta ka damaysa dabkan xataa uusan wax fikrad ah ka haysan .

Waxa uu sheegay in dabkani yahay kii ugu weynaa ee abid soo maraya taariikhda Israa’iil. iyadoo dabkan uu sababay iney guryahooda ka cararaan boqolaal qoysas Yuhuud ah oo qasab lagu dejiyey halkaas.

In ka badan 9 degaan oo ay Yuhuuddu deggan yihiin ayaa laga daadgureeyey dadka laga soo bilaabo saacadihii hore ee subaxnimada ilaa saacadahii ugu dambeeyay sababo la xiriira dabka ka kacay buuraleyda Qudus.

Waxaa sidoo kale dabka gaaray aagga Neve Ilan iyo Shoresh. In ka badan 10,000 qof ama xitaa ka badan ayaa laga daadgureeyey guryahooda maanta.

Ku dhawaad 150 kooxood oo dab-damis ah ayaa ka shaqaynaya daminta dabka oo ku sii baahaya goobo hor leh.

Taliyaha dab-damiska iyo gurmadka Israel Yoram Kaspi ayaa dhaawac gaaray kadib markii dabku qabsaday dharkiisa intii lagu  guda jiray hawlgalada daadguraynt ah

Related posts

Qarax dhaliyay Khasaaro badan oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay hakadkii labada bilood ku jiray bixinta baasaboorka Soomaaliga

Caydiid Ali

Musharixiinta Gamudug oo digniin soo saaray &muhaajiriin Soomaali ah oo ku go’doonsan Liibiya!!

admin
Taboola Ads ---