Siyaasiyiinta Mucaaradka DF oo kala ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Shiikh Axmed, RW hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa bayaan ay wadajir u soo saareen ku eedeeyey Guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Adan Madoobe wixii maanta ka dhacay baarlamanka Somalia.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falka gacan-ka-hadalka ah ee ay geysteen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka, kuwaasoo si cad u weeraray Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo saxafiyiin ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka oo sidan hoose u qornaa.