Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Gubtay Guri Muqdisho ay ka dagneyd iyo Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Haweeney kunooleed Xaafada Coka Cola ee Degmada Yaqshiid ayaa dab qabadsiisay gurigii ay degneyd kadib markii la sheegay in Maseyr uu ku dhacay lana dirirtay ninkii qabay.

Haweeneydan Maseyrsaneyd ayaa saakay dab qabadsiisay gurigii ay degneyd, waxa ayna gubtay qeyb kamid ah gurigaasi halka qaar kalana inta uusan dabku gaarin la damiyay.

Aabaha dhalay ninka gabadhan guriga gubtay qabay ayaa sheegay in xalay isku dhaceen gabadha iyo wiilka qabay , waxa uuna sheegay in gabadha dalbatay furiin balse ehel ahaan ku taliyeen in guriga dhisan aan la dumin,

Waxa uu xusay in saakay gabadha ay dab qabadsiisay gurigii ay kunooleed kadib markii laga diiday in la furo, waxa uuna sheegay in uusan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkaasi.

Haweynka maseyrku haleelo ayaa mararka qaarkood waxa ay geestaan dhibaatooyin kala duwan, waxaana dhawaan deegaan kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose haweeney maserysan ku dishay ninkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ka hadashay walaaca laga qabo cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha

Caydiid Ali

Aktarad laga xaday abaal marinta Oscars wax yar kadib markii la guddoonsiiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xamse Barre oo caawa arrin yaab leh awgeed jidad muhiim ah loogu xiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---