Allbanaadir.com
NEWS

Aktarad laga xaday abaal marinta Oscars wax yar kadib markii la guddoonsiiyay (Daawo Sawirro)

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa aktarad caan ah oo jisha aflaanta oo laga xaday abaal marinta Oscars wax yar un kadib markii munaasabad lagu gudoonsiiyay abaal marintaasi.

Frances McDormand ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta atarashiida ugu fiican ee tartanka jilliinka ee Oscars, waxa ayna gabadhan ka guuleestay atariishooyin badan oo tartan la galay.

Saacado yar un kadib markii aktaradan abaal marinta la gudoonsiiyay ayaa la sheegay in laga xaday , waxaana booliiska baarirtaan kadib ku guuleesteen in ay soo helaan abaal marintaasi la xaday.

Ciidamada booliiska magaalada Los Angels ayaa xaqiijiyay in ay xabsiga dhigeen nin lagu magacaabo Terry Bryant oo lagu helay in uu xaday abaal marinta Oscors ee la gudoonsiiyay gabadha jilaaga ah.

Aktarada Frances McDormand ayaa abaalmarinta ku heshay filimka Three Billboards Outside Ebbing, Missouri, oo ay ku jishay hooyo aargudasho samaynaysa kadib markii dowladda ay wax ka qaban weysay gabadheeda oo la kufsaday, kadibna la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo mar marsiiyo u heshay weerar ay ku qaado xeryaha ciidanka UNIFIL

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dawladda Soomaaliya oo Hal Milyan oo Doolar ugu Deeqday Somaliland si loogu caawiyo dadkii …

Cabdi Cade

Somalia oo ku guuleysatay guddoomiye Ku-xigeenka heyad caalami ah & Warar kale oo xiise badan

admin
Taboola Ads ---