Dowlada Somalia oo ka hadashay walaaca laga qabo cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xannuunka Ebola ee laga helay dalka Ugandha.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco cudurka Ebola oo kiis ka mid ah laga helay dalka Ugandha.

Hase ahaatee Soomaali badan ayaan ku qanacsaneyn hadalka Wasiirada, waxayna aaminsan yihiin in cudurkan uu yahay mid halis ah oo si fudud u fida, ayna jirto khatar weyn, iyadoo isku socodka dalalka Ugandha iyo Somalia uu aad u badan yahay maadaama dalkaas ay Somalia ka joogaan kumanaan askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka wasiirka Caafimaadka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -