Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Shaqaalaha Hurmuud oo lagu dhax dilay xarun uu ka shaqeenayay

Koox hubeesan ayaa maanta salaadii duhur kadib waxa ay dileen mid kamid ah Shaqaalaha Shirkada Isgaarsiina Hurmuud, waxa uuna ka dhacay dilkan gudaha xarun shirkada ku leedahay Degmada Waabari gaar ahaan Buundada.

Masuul katirsan Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud ayaa noo sheegay in koox burcad ah ay weerartay xarun ay laheyd Shirkada Hurmuud ayna doonayeen in ay dhacaan, waxaana ninka la dilay uu ka biyo diiday dhaca loo geesanayay.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Saleemaan ayaa xiliga la dilayay waxaa xarunta la joogay labo nin oo kale oo shaqaalaha shirkada katirsan, lamana oga kooxdii hubeysneyd in ay lacag dhacday iyo in kale.

Ciidamada amaanka ayaa dilka kadib gaaray xarunta Hurmuud ee la weeraray, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano ay ku raadinayana  raga burcada ah ee dilka u geestay ninkan katirsanaa Shaqaalaha Hurmuud.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Musharixiinta Gudoomiyaha golaha Shacabka oo la filayo in ay tanaasulaan

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo maanta ansixiyay 10-safiir cusub oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan lagu bixiyey Mallaayiin Dollar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---