Al Shabaab oo Madaafiic culus ku weerartay Deegaanka Baar Sanguuni

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in galabta madaafiic culus ku garaaceen deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaankaasi.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa Warbaahinta afka kooxdaasi ku hadasha u sheegay in guutada Jugta culus galabta madaafiic culus ku garaaceen saldhig ciidan oo kuyaala deegaanka Baar Sanguuni.

Waxa uu sheegay Sargaalkan katirsan Al Shabaab in madaafiicdaasi la heleen bartilmaameedkii lala eegtay, waxa uuna xusay in uu jiro khasaaro madaafiicdaasi kasoo gaaray ciidankii ku sugnaa saldhiga la duqeeyay.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin madaafiicdan Al Shabaab sheegeen in ay ku garaaceen deegaanka Baar Sanguuni oo xero ciidan ku leeyihiin ciidamada maamulka Jubbaland.

Saldhiga la weeraray ee kuyaala Baar Sanguuni ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal xoogan iyo qaraxyo, waxaana saldhigaasi weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -