Maxaa kasoo kordhay Meydadkii caawa lagu arkay Duleedka Dayniile!!

Waxaa caawa Duleedka xarunta degmada Dayniile gaar ahaan meel howd ah oo ku dhaw garoonkii hore ee Diyaaradaha Dayniile lagu arkay meydadka afar qof oo halkaasi lagu dilay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa Hay’ada Nabad sugida ayaa gabal dhicii lagu soo war galiyay meydadka afartan qof oo u muuqday kuwa galabta halkaasi lagu dilay kadibna looga tagay.

Afarta qof ee la dilay ayaa sadex kamid ah ahaayeen ninman da’ dhaxaad ah halka mid kalana uu ahaa nin dhalinyaro ah, lamana oga cida dilka ragaasi ka dambeesay iyo waliba waxa ay ahaayeen ragan la dilay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida oo caawa tagay goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano,waxa ayna ciidamada baaritaano kadib goobtaasi kasoo qaadeen meydadka afarta qof ee la dilay oo la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilkan caawa loo geestay afarta qof, sidoo kale ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan ragan la dilay iyo waxa ay ahaayeen.

Mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho kama dhicin dilal nuucan oo kala ah , dadka ku nool magaalada Muqdisho oo warkan gaaray ayaana caawa aad u hadal haya ragan la dilay iyagoona dadku siyaabo kala duwan uga hadlayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -