Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo laga dalbaday in jawaab kasoo bixiyo Musuqmaasuq dhacay

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqad u diray Wasiirka Wasaaradda Gaashaanshiga Soomaaliya, waxa ayna kaga dalbanayeen warqada in uu soo caddeeyo sida uu u dhacay musuqmaasuq lagu sameeyay garaamka ciidamo katirsan xoogga dalka.

Dowladda Mareykanka ee taageerto ciidanlka xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa jaray raashinkii ay siin jireen ciidanka, kaddib markii saraakiil katirsan ciidanka musuqmaasuqeen ayna iibsadeen garaamkii ciidanka.

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaana wasiirka Gaashaandhigga ka dalbaday in uu usoo caddeeyo sida uu ku dhacay musuqa, saraakiisha masuulka ka ah ee kiiskan loo xiran ama shaqada looga eryay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Waa Kuma Cali Mahdi Maxamed Sidee ayuu ku noqday madaxweynihii Soomaaliya!! ?

admin

Dowlada Burundi oo qaaday talaabo ka careysiisay Qaramada Midoobay

Caydiid Ali

DF oo War ka soo saartay howlgaladii ka dhacay gobolada dalka qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---