Meydadka Afar qof oo la dilay oo caawa lagu arkay Duleedka Dayniile !!

Waxaa caawa salaada Maqrib kadib duleedka degmada Dayniile gaar ahaan meel ku dhaw garoonkii Diyaaradaha Dayniile lasoo dhigay meydadka afar nin oon la ogeyn wali waxa ay yihiin iyo cida dishay.

Dad arkay meydadka afartan qof oo rag ah ayaa kusoo war galiyay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya, waxaana goobta lagu arkay meydadka gaaray ciidamo katirsan nabad sugida iyo booliiska Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Dayniile ayaa noo sheegay in laamaha amaanka hada baarayaan meydadka lasoo dhigay duleedka degmada Dayniile, waxaana goordhaw la filayaa in goobtaasi laga soo qaado meydadka.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala doco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -