Caro Xoogan oo ka dhalatay Macalimad Dab ku ciqaabtay Arday

Macalimad u dhalatay dalka Hindiya ayaa ku kacday fal dad badan ka careesiiyay ,waxaana macalimad arday dhigata iskuul ay wax ka dhigto ay ku ciqaabtay in ay gacanta saaraan shumac holcaya.

Sushanti Hembrom ayaa la sheegay in 13 arday ku ciqaabtay in ay shumac holcaya gacanta saaraan, kadib markii ay qiran waayeen lacag  laga xaday arday kale oo wax ka dhigta iskuulka.

Maamulka Iskuul kuyaala gobolka Jharkhand ee bariga dalka Hindiya ayaa shaqada ka joojiyay macalimada sida xun ardayda u ciqaabtay, waxaana arintan si weyn uga carooday Waalidiinta arday iyo dad badan oo warkan maqlay.

Booliiska gobolka Jharkhand ayaa sheegay in ay baarayaan macalimada falkan ciqaabta ah ku kacday, waxa ayna booliiska sheegeen in Macalimada dooneysay in ardayda ku cabsi galiso dabka balse ardaydii ay gacanta wada saareen shumaca holcaya.

Ardayda ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaareen dabka ee gacanta saareen, waxaana la sheegay in macalimada mid kamid ah ardayda si xun gacanta ugu saartay shumaca holcaya uuna qabo dhaawac culus.

Dalka Hindiya ayaa laga mamnuucay ciqaabta ardayda loogu geesto iskuulada ,hasa ahaatee waxaa wali iskuulada dalkaasi ka dhaca ciqaab adag oo loo geesto ardayda wax ka dhigata .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -