Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qarax lagu dilay Faarax Ciise Samatar 

Waxaa maanta qarax ka dhacay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkaco lagu dilay Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland.

Qaraxan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray Faarax Ciise Samatar (Faarax Caato) oo Al Shabaab sheegeen in uu ahaa sargaal katirsan Ciidamada maamulka Puntland.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi masuul ka aheyd Al Shabaab, waxa ayna Shabaab sheegeen sargaalka la dilay in uu tababaray ciidamada Puntland.

Al Shabaab ayaa marar badan qaraxyo iyo dilal loo geesaty saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland waxa ay ka fuliyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Kenyan ah oo dhimasho iyo dhaawac loo geystay, gaadiidna laga gubay

Caydiid Ali

Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Xassan Shiikh & Abiy

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyay kulanka FGC

Cabdi Cade
Taboola Ads ---