Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in nolosha lagu qabtay (Magacyada)

Ciidanka Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay iney howgal qorsheysan ku burburiyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaano hoostaga Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen saraakiil uu ka mid yahay  Madaxii Maaliyadda Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali, Madaxa Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcadde Cali Cabdulle Jilacow, iyo Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Sakawaadka Gobolada Shabellada Hoose iyo Dhexe Cabdullahi Isxaaq Xuseen.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan ayaa sheegay in Ciidamada Danab ay howlgal ku burburiyeen xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellooyinka.

Saraakiisha ciidanka Danab warbaahinta uma soo bandhigin illaa hadda raggan ay sheegayaan iney nolosha ku qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shirweyne u dhaxeeya DFS iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Lacag ku daadatay Wado Mashquul badan iyo Jahwareer ka dhashay aruussiga lacagtaasi

Cabdi Cade

Kumuu ahaa C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)? Taariikh nololeedkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---