Dowlada Somalia oo faahfaahin ka bixisay sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo

Dowladda Soomaaliya ayaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo ka eriday dalka iyadoo ka dhigtay persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika waxay Simon Mulongo, oo u dhashay dalka Uganda, ku eedeysay “dhaq-dhaqaaqyo aan la jaanqaadi karin waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ayaa Guddiga Midowga Afrika ku wargeliyey in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddobada maalmood gudahood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dalka looga ceyrinayo ku-xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horey u qabay digniino dhowr ah; balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.

“Wax ka baxsan howlihiisa gaarka ah ayuu fara la galay, waana mid ka baxsan heshiiska uu dalka ku joogay, sidaas ayaana keentay inaan dalka ka erino”. Ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya aysan u ogoleyn diblomaasiyiinta inay iska sameystaan wax iyaga u gaar ah oo baal marsan heshiiska ay dalka ku joogaan, isla markaana aysan waxba u dhimeynin cilaaqaadka ay dowladdu la leedahay Ururada caalamiga ah.

“Qaranimadeena, qabkeena, iyo dowladnimadeena waxaa sharaf u ah, in Soomaalidu ugu dambeys ay iyagu mas’uul ka noqoto amnigeeda”. ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa lagu kalsoon yahay ayaa allbanaadir Online u sheegay in sababaha loo eryey diblomaasigan ay ka mid yihiin caga jugleyn uu kula kacay siyaasiyiin iyo madax Soomaali ah, basaasnimo iyo dabagalka qaar ka mid ah heyadaha DF, inuu baado ganacsato Soomaali ah isagoo ugu caga jugleynaya inuu ku darayo liiska argagaxisada, xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn oo kula kacay hablo Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee Midowga Afrika iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -