Allbanaadir.com
NEWS

Ra’usul Wasaare Xamse Barre oo Codsi muhiim ah u jeediyay Ra’isul Wasaare Ana Brnabić

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta.

Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan.

Related posts

Xiliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ciidamo Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wiil Soomaali ah oo walaalkiis dil argagax leh ugu geestay dalka Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---