Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dowlada oo soo bandhigtay xubno katiran Al Shabaab oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ka howlgala degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa Warbaahinta u soo bandhigay sadex nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Daahir Cali Maxamed oo katirsan saraakiisha ciidanka Milatariga ee ku sugan degmada Waajid ayaa Warbaahinta dowlada Soomaaliya u sheegay in howlgal ay ciidanka sameeyeen kusoo qabteen sadex dagaalame oo Al Shabaab katirsan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in raga ay soo qabteen ay yihiin xubno katirsan Al Shabaab oo dadka shacabka ah wadooyinka ku dhibaateenayay , waxa uu sidoo kale sheegay in ragan ay ahaayeen koox dilalka fulisa.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sidan oo kale horey usoo bandhigay xubno ay sheegeen in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab kuwaa oo lagu soo qabtay howlgalo ay ciidanka sameeyen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo xalay saqdii dhexe kormeeray degmada ugu khatarta badan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Kenya oo soo saaraya Meydka haweeney labo sanno kahor geeriyootay iyo Wadaad lagu …

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo saakay laayay xubno katirsan Al Shabaab iyo meydad lasoo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---