Akhriso Magacyada: Wariyaal katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Duqeyn diyaaradeed

Duqeyn diyaarado dagaal ka geesteen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa la sheegay in lagu bur buriyay Idaacad ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab oo lagu magacaabo Al Andulus.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay duqeynta lagu bur buriyay Idaacada Al Shabaab lagu dilay qaar kamid ah Wariyaashii ka howl galayay Idaacadaasi.

Wariyaasha la dilay ee ka howlgalayay Idaacada Al Shabaab afkooda ku hadasha ayaa magacyadooda lagu sheegay Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin duqeyntan la sheegay in lagu bur buriyay idaacada ay lahaayeen sidoo kale lagu dilay qaar kamid ah Wariyaashii ka howlgalayay, mana jiro ilo madax banaan oo warkan warbaahinta u xaqiijisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -