Wasiir hore oo sheegay in Xanuuno ka qaaday lacago Xaaraan ah uu cunay !!

Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta maamulka Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in lacago xaaraan ah uu cunay intii uu Wasiirka ahaa ka qaaday xanuuno kala duwan.

Waxa uu sheegay Maxamed Jaamac in uu hada dawadooda la tacaalayo xanuuno uu horey uga qaaday lacago uu si qaldan u cunay, waxa uu sheegay in Wasiirku uusan ku ekaan lacagta Mushaar ahaanta iyo gunada loo siiyo.

”Anigu waxbo ma qarsan karo , xanuuno badan aan ka qaaday tii hore ayaan dawadooda la tacaalayaa, Xil wasiir maraad heeso mushaarka iyo gunada kuu qoran kun iyo shan boqol wax saas ah ayey noqoneysaa, waxaa laguu dhiibayaa miisaaniyad lacag walbo ay ku qoran tahy in shaqo gaar ah lagu qabto, kun iyo shan boqol xiligan dalka xaalka uu ku jiro wax ma tareyso, doolar xitaa ha ahaato waxii kale oo si kale meeshaas kaaga soo gala waa xaaraan” Ayuu yiri Wasiir hore.

Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Somaliland ayaa sheegay sadex mar uu dhaqtar tagay sadex sano uu Wasiir ahaa in laga soo sheegay sadex cuduro kala duwan uu midbo kan kale ka daran yahay .

“Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kilida dhagax kaaga jira yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa kusoo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay” Ayuu yiri Maxamed Jaamac.

Inta badan Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee xilalka ka qabta maamulada Soomaaliya ka jira ayaa inta badan la sheegaa in ay cunaan lacago xaaraan ah oo ka baxsan lacagta mushaar ahaanta ay xaqa ugu leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -