Booliiska Kenya oo soo saaraya Meydka haweeney labo sanno kahor geeriyootay iyo Wadaad lagu …

Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa fasaxday in qabriga laga soo saaro oo baaritaano cusub lagu sameeyo meydka haweeney lagu magacaabo Luftunisa Kwandwalla, oo ah  44 sanno jir u dhalatay dalka Britain.

Booliiska magaalada Mombasa ayaana maanta soo saaraya meydka haweeneydan labo sanno kahor geeriyootay, waxa ayna booliiska ku sameenayaan baaritaano la xariira sababtay keentay dhimashadeeda oo shaki badan laga muujiyay.

Haweeneyda geeriyootay oo kasoo jeeda magaalada Leicester ee UK ayaa bishii August ee sanadkii 2020-kii ku geeriyootay guriga waddaad caan ah oo ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Geerida haweeneydan ayaa markii hore lagu sheegay in uu sabab u ahaa wadno istaag, hasa ahaatee qoyska haweeneydan geeriyootay ayaa shaki galiyay arrintaasi,waxa ayna xuseen in la dilay gabadhooda loona aasay degdeg si cadeymaha loo qariyo.

Qoyska haweeneydan geeriyootay ayaa sheegay in gabadhooda lagu dilay guriga wadaad daaci ah kaasoo lagu eedeeyay in uu maamulayay koox qarsoodi ah, waxa ayna dalbadeen in kiiskan dib loo furo laguna sameeyo baaritaan qoto dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -