Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Qarax laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa Miino lagu dhejiyay Gaari nooca aan xabada karin ee loo yaqaano Bullet Proof kaasoo ay wateen sida la sheegay howlwadeeno u dhashay dalka Turkiga.

Wararka ayaa intaasi ku darayaan in hal qof uu ku dhaawacmay qaraxa, inkastoo ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameynaya, mana jiraan faahfaahin intaas ka badan oo laga helayo qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo duqeeyey kolonyo gargaar gelisay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud iyo cidda gacanta ku heysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---