Axmed Madoobe oo Abaabul dagaal kawada Dhoobley (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa abaabul ciidan kawada degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose uu maalmahan booqasho ku joogo.

Axmed Madoobe ayaa booqday xero ciidanka daraawiishta maamulka Jubbaland ku leeyihiin degmada Dhoobley, waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo ciidanka kala duwan ee xeradaasi ku xareesan.

Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay ciidanka ku sugan Dhoobley ayaa  sheegay in howlgalka xoraynta degaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo, wuxuuna cadeeyay in howlgalka dhawaan bilaabanayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in markan ciidankooda diyaar u yihiin in ay dagaal galaan kana xureeyaan Al Shabaab deegaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolka Jubada Dhaxe,.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahan booqasho ku joogay Degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobley, waxa uuna degmooinkaasi Axmed Madoobe kawaday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -