Gaari la doonayay in lagu qarxiyo Buundada Baar Sanguuni oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal aad u xoogan.

Weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay xero ay ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland ka degnaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Dagaal xoogan oo saacado socday ayaa dhax maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al Shabaab , waxaana labada dhinac lasoo sheegayaa in khasaaro xoogan uu kasoo gaaray dagaalka.

Sargaal katirsan ciidanka dowlada oo ku sugan Baar Sanguuni ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna sheegay sargaalkan in Al Shabaab weerarkaasi ku fashilmeen khasaaro xoogana uu kasoo gaaray.

Dhinaca kale ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga ayaa deegaanka Baar Sanguuni ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu qarxiyo buundada dhax marta deegaankaasi.

Gaarigan la qabtay oo nuuciisi ahaa Prado Landcruiser ayaa miyaaradaha ,lugaha iyo qeybta motoorka looga soo xiray jaqafyo la sheegay in ay ahaayeen buruuf si aysan xabado hadii lagu soo rido u karin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta deegaanka Baar Sanguuni oo saakay dagaal xoogan ka dhacay, Al Shabaab ayaana dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -