Sargaal Xaaskiisi hore ku dilay magaalada Muqdisho oo lagu riday Xukun adag

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya oo si bareer ah magaalada Muqdisho ugu dilay xaas ay horey u kala tageen.

Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.

Maxkamada ayaa sheegtay in sargaalkan iyo xaaskiisi hore ay kala tageen balse sargaalka dilka geestay uu mar kale damcay in uu xaaskiisa soo ceshado balse ku guul dareestay, waxaana gabdha la sheegay in nin kale guursaday.

Sargaalkan dilka geestay ayaa Maxkamada sheegtay markii uu ogaaday in xaaskiisa reer kale yeelatay ayuu raadiyay waxa uuna tagay guri ay dagneyd isaga oo damacsanaa in uu xoog kusoo wato, hasa ahaatee waxaa kahor yimid ninka gabadha qabay iyo dariska waxa uuna markaa kadib gabadha ku dhuftay mindi uu watay sidaasna ku dilay.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanah, markaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.

Laba xidigle  Ismaaciil Salaad oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif , waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada  ayaa shaaciyay in xukun dil ah lagu riday Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan , waxa uuna xukunsanaha heestaa racfaan uu ka qaadan karo xukunkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -