Allbanaadir.com
NEWS

RW Khayre oo Washington kula kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka John Sullivan, kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.

Kulanka waxay labada masuul ay diirada ku saareen horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta doorka Mareykanka ee caawinaadda Soomaaliya, Dowlad wanaagga, la dagaallanka argagixisada iyo qodobo kale.

“Wadahadalka aan la yeeshay ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka waxa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku soo dhamaaday, ujeedka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa caawimadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa jiray kulamo kale oo aan la yeeshay masuuliyiinta dalkan.” ayuu yiri Khayre oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Ra’isul Wasaare Khayre ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaga qeyb galay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada ka jirta meelo ka tirsan caalamka.

Khayre ayaa shirkaasi caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Dhigiisa dalka Luxembourg (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hantidhowrka Qaranka oo farriin u diray Masuuliyiinta dowladda ee shaqada ka tagaya

Cabdi Cade

Rooble iyo Madaxda maamulada Puntland & Jubbaland oo kulmaya iyo Beesha Caalamka oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---