Masuul goordhaw lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada lagu iibiyo waxa ay ku dileen Gudoomiye Laameed katirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir iyo qof kale oo la socday.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan Suuqa Daawada ku dileen Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal) oo ahaa Gudoomiye Laameed katirsan Waaxda Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Ragii hubeesnaa ee dilka u geestay gudoomiye laameedka iyo nin kale oo la socday ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka loo geesto dadka u shaqeeya dowlada gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir, waxaana shalay oo u dambeesay degmada Hodan lagu dilay Gudoomiyihii dhalinyarada ee Degmada Hodan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -