Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay labo heshiis oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya shirkooda ayaa sidoo kale waxaa  warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda ay ku sugan yihiin beeraleyda Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaana looga hadlin go’aannadii kasoo baxay xalay shirka Golaha Wadatashiga Qaran , sidoo kale shirka laguma soo hadal qaadin xaaladaha amni ee dalka ka jira iyo qorshayaasha Xukuumadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan adeeg xumada Hindiya barbar dhigay tan Soomaaliya

Cabdi Cade

Booliis qabtay Daroogo halis ah oo meel lama filaan ah lagu soo qariyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Imtixaan adag maraya iyo Liiska Musharaxiinta uu soo saarayo oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---