Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Maamulka Puntland oo Boosaaso lagu dhaawacay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhaawacay Wasiiru Dowlaha Dekadaha Maamulka Puntland Axmed Siciid Cabdi.

Sida aan wararka ku heleyno nin hubeesan ayaa rasaas ku furay Wasiirka xili uu marayay wado mashquul badan oo kutaala magaalada Boosaaso, waxaana wasiirka xiliga la dhaawacayay uu watay gaari.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Wasiirka lagu dhaawacay Boosaaso ay murmeen ninka rasaasta ku furay, lamana oga wali waxa uu ahaa ninka wasiirka ku dhaawacay magaalada Boosaaso.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay  xabsina u taxaabay ninka dhaawac u geestay Wasiiru Dowlaha Dekadaha Maamulka Puntland Axmed Siciid Cabdi.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin dhaawaca loo geestay Wasiirka katirsan maamulkooda, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in maamulka uu war kasoo saaro dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Fahad Yaasiin wuxuu dalka ka wadaa dumin Siyaasadeed, kamana yeelayno”

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo shaaciyey inuu difaaci doono madax banaanida Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u jeediyey ardayda Jaamacadaha Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---