C/weli Muudey & Xildhibaano taageersan Farmaajo oo kulan deg deg ah ku leh Muqdisho

Ka dib markii galabta xildhibaano boqol ku dhow ay guddoonka Baarlamanka u gudbiyeen mooshin xilka ka qaadis oo ka dhan ah Madaxaweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka bilowday magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin xildhibaano iska horjeeda oo ka tirsan Baarlamanka.

Xildhibaano taageersan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in kulan deg deg ah la isugu yeeray magaalada Muqdisho, Waxaana shirkan abaabulay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey, iyadoo xildhibaannada ugu badan ee ka qeyb galaya kulankan ay yihiin kuwa ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu guddoominayo C/weli Muudey, iyadoo looga hadlayo mooshinka uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo iyo sida loo wajahayo.

Wararka qaar ayaa sheegay in xildhibaannada taageersan Madaxweynaha ay diyaarinayaan Mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo xafiiska fadhiya muddo kooban.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka ayaa iyana waxaa weli xarunta madaxtooyada uga socda kulan albaabadu u xiran yihiin oo looga hadlayo xaalada soo korordhay.

Dhinaca kale, Xildhibaannada keenay Mooshinka Madaxweynaha ayaa iyana kulan kaas la mid ah ku leh magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlaya sidii ay mooshinkooda u xoojin lahaayeen, loona sii jiidan lahaa xildhibaano kale oo ku mowqif ah.

Olole siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa caawa laga dareemayaa xarunta Madaxtooyada Somalia oo ay ku qulqulayaan xildhibaano badan oo iska soo horjeeda, waxaana socda isxulufeysi horseedaya qalalaase siyaasadeed oo dalku lugaha sii galayo kaasoo aan la saadaalin halka maalmaha soo socda uu geeddiga ku furan doono.

Dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa aaminsan iney adag tahay in Mooshin Madaxweyne loo helo sharciyad sax ah oo lagu meel mariyo xitaa haddii ay isku raacsan yihiin inta badan baarlamaanka Federaalka, iyadoo hore mooshin kan la mida oo laga keenay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ku dhammaaday guuldaro, welina dalku ma laha Maxkamad dastuuri ah oo sharciyeyn karta waxyaabaha lagu eedeeyo Madaxweyne xil haya.

Mooshinkan ayaa macaashka siyaasadeed ee laga heli karo wuxuu noqon karaa oo kaliya in khalkhal la geliyo Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa iyo inay farahooda ka baxdo doorashada Maamulka K/Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -