Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo dhibsatay falal uu ku kacayo Madaxweyne Trump fariina u dirtay

Dowladda Iran , ayaa si weyn u dhibsatay hadallo iyo dacaayadao ka dhan ah hoggaamiyaha ruuxiga ee Ilaalada Kacaanka Iran Aayatullaahi Ali Khamenie , uu maalmihii lasoo dhaafay jeedinayay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump in uu joojiyo dacaayadaha ka dhanka ah hoggaamiyahooda, waxa uuna xusay Trump haddii uu nabbad iyo hesgiis rabo in uu joojiyo dacaayadaha uu wado.

“ Waa inuu joojiya Trump , dacaayada ka dhanka ah hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Aayatollah Khamenei … yuusan iskudayin inuu naga raadiyo heshiis oo hadana na aflagaadeeyo, haddii ay dhab ka tahay oo heshiiska uu raadinayo waa inuu afkiisa ka dhowraa hadallada ka dhanka Iiraan iyo hoggaamiyaheeda.” ayuu yiri Wasiir Abbas.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa maalmihii lasoo dhaafay qoraalo uu baahiyay iyo hadallo uu jeediyay wax kaga sheegayay hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran Ayatullaahi Ali, dacaayadahaasi ayaana si weyn waxaa u dhibsatay dowladda Iran.

Heshiiska xabbad-joojinta ay gaareen Iran iyo Israa’iil, ayaa waxaa ka shaqeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la ogyahay in uusan dagaalka dhax dhaxaad ka aheyn, si toos ahna ula safnaa Israa’iil, inkastoo ay dhaqan gashay xabbad-joojinta uu labada dhinac kala dhax dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo Sameenaya Casho Sharaf Shuruud adag ku xiran tahay !!

Cabdi Cade

Taliska Ciidamada Asluubta oo War ka soo saaray qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Sacuudiga oo si jawaab caro leh ka bixiyay go’aan ka soo baxay Senatka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---