Xiddigaha warbaahinta, jilaayaal, dad Boqortooyo kasoo jeeda iyo qaar kale ayaa u safray magaalada Venice si ay uga qeyb galaan arooska kharashka badan ku baxayo ee aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos iyo haweeneyda telefishinka ka shaqeysa ee Lauren Sanchez.
Oprah Winfrey, Orlando Bloom, Kylie Jenner iyo Ivanka Trump waa qaar ka mid ah dadka caanka ah ee lagu arkay doomaha iyo waddooyinka magaaladan Talyaaniga ku taalla Khamiistii Jimcaha.
Munaasabadda ayaa socon doonta saddex maalmood, waxaana maanta lagu soo gabagabeynayaa xaflad weyn oo ay dhiganayaan lammaanahan iyo martidooda boqollaalka ah.
Munaasabaddan ayaase cambaareyn kala kulantay dadka magaalada oo kasoo horjeeda isbeddelka cimilada iyo dalxiiska xad-dhaafka ah.
Sanchez, waa 55 jir halka Bezos, uu yahay 61 jir.
Qiyaastii 200 oo qof ayaa lagu casuumay xafladdii shalay oo ka dhacday jasiiradda yar ee San Giorgio.
Inkastoo aan la ogeyn kharashka rasmiga ah ee ku baxaya arooska, haddana waa inta u dhaxeysa $20m (£14m) ilaa in ka badan $50m.