Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay wadada mashquulka badan ee Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha.

Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo nin wax yaabaha qarxa isku soo xiray isku qarxiyay gaari Saruf ah uu saarnaa Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow halkaas marayey.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in dhaawac kasoo gaaray qaraxaas Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahimo Macalimow laakin wali lama oga in dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimow yahay mid daran

Wixii warar ah ee soo kordha La soco wararkayaga danbe INSHA ALLAH .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=ye15aPKecDo

Related posts

DF oo war cusub ka soo saartay cudurka COVID-19 & dad cusub oo u dhintay

Caydiid Ali

Xiisad ka taagan Magaalada Baydhabo iyo qalalaase cusub oo laga cabsi qabo

Caydiid Ali

Xildhibaano katirsan labada Aqal oo saakay qaatay Shahaadada Xildhibaannimo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---