Xildhibaan Dhawaan Xasaanada laga qaaday oo Maxkamad lasoo taagayo

Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeesay ka hadashay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Maamulkaasi oo dhawaan xasaanada laga qaaday kadibna xabsi loo taxaabay.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi doono Axmed Xasan Cabdi(Axmed taajir) oo laga qaaday Xasaanadii Xildhibaanimo.

Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne kuxigeenka Xildhibaanka Kismaayo ku xiran in uu ku tuntay xeerka iyo anshaxa Baarlamaanka u yaala uuna ka been abuurtay saxiixyada Xildhibaano katirsan Jubbaland.

”Waxaan idin sheegayaa Axmed Taajir Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana loo heestaa in uu ka been abuurtay xildhibaano kale oo magacooda uu ku saxiixay dukuminti been abuur ” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Adan.

Xildhibaankan Xasaanada laga qaaday ayaa la sheegay in uu horboodayay mooshin ka dhan ahaa Wasiirada Axmed Madoobe, waxaana xariga Xildhibaankan u muuqdaa mid lagu cabsi galinayo Xildhibaanada kale ee Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -