Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Khudbadaha Musharaxiinta K/Galbeed oo ka socda Baydhabo (Daawo Sawirro)

Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee KG ayaa magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in musharaxa Mukhtaar Roobow Cali laga reebay liiska Musharixiinta.

Hadal ka soo baxay guddiga oo laga jeediyey kulanka khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayay ku shaaciyeen in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa musharixiinta buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorashada, isagoo laba jeer la guddoonsiiyey Shahaado musharaxnimo.

Dhinaca kale, sadex ka mid ah Musharixiinta isugu soo haray doorashada oo ilaa shan gaaraya ayaa khudbadahooda ka jeedinaya Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed, iyadoo kulankana uu gudoominayo Sii hayaha Madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka Maamulkaas C/qaadir Shariif Shiikhunaa.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran maanta ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa xasiloon maanta ka dib sadex maalmood oo ay ka socdeen rabshado looga soo horjeedo xariga Roobow kuwaasoo dhaliyey khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Beesha Dhabarweyne oo taageertay ansixinta Metelaada G/Banaadir ee Aqalka sare

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Cabdi Cade

William Ruto oo ku guuleystay in loo meel mariyo sanduuq dhaqaale oo muran dhaliyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---