Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ciidanka fuliyeen oo si xeeladaysan loo abaabulay, ayaa ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab, iyagoo sidoo kale helay hub kala duwan oo ay cadowgu u adeegsan jireen falal amni darro iyo mooto ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka xoogga dalka, ayaa mar kale caddeeyay doorkooda muuqda ee difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyagoo si geesinimo leh uga hortagaya khataraha ka imaanaya cadowga gudaha.
Kumaandooska Danab, ayaa mararka qaar fuliya howlgallo qorsheysan oo ka dhan kooxda Al Shabaab, waxa ayna howlgalladaasi ku beegsadaan xubno katirsan Al Shabaab oo xogtooda loo soo dusiyo.