Oday dhaqameed cabasho ka muujiyey Dhul Masjid laga dhisi lahaa oo looga heysto Kismaayo

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka degaanada  Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in lagaga haysto si sharci daro ah dhul cabirkiisu yahay 40 x 40 oo ku yaalla xaafada far-jano ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in dhulkaas  uu isagu leeyahay isla markaana  loo cabiray 1984-tii, uuna waqaf uga dhigay in laga dhiso masjid ay muslimiintu ku cibaadaystaan.

Garaad Cali Sahal C/llaahi Ducaale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolada Juba-land ee Waamo ayaa warbaahinta si dareen leh ugu sheegay in dhulkiisa uu xoog uga heysto nin uu ku sheegay inuu yahay ciidamada Booliska Maamulka Juba-land.

Sidoo kale Garaadka ayaa cod dheer ku sheegay in askarigaas uu garab xoog leh ka haysto taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Jubada hoose Col. Naasir.

Waxaa uu cadeeyey inuu dacwad gaarsiiyey Maamulka Jubba-land madaxdiisa sar sare, ayna soo saareen qoraal ku saabsan in loo celiyo dhulkiisa balse uu amarkaas diiday Taliyaha.

Garaad Cali Sahal oo ka mid ah odayaasha sida weyn looga yaqaano magaalada kismayo ayaa sheegay inuu haysto dukumentiga saxda ah ee dhulkaasi oo cabirkiisu yahay 40 x 40 m isla markaana uu waqaf uga dhigay in laga dhiso masaajid ay ku cibadaystaan dadka muslimiinta ahi isagoo umada soomaaliyeed gaar ahaan madaxda sar sare ee Maamulka juba-land kuwa dowlada somalia iyo cid kasta oo ka damqanaysa dulmi uu sheegay in lagu hayo ka codsaday inay wax ka qabtaan.

Muranada iyo isqabqabsiga la xiriira dhulalka ayaa mudooyinkan ku soo badanaya Magaalada Kismaayo ioyo magaalooyin kale oo ku yaalla Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -