Allbanaadir.com
NEWS

Taliye katirsan Ciidanka maamulka Somaliland oo gaari lagu dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gaari la jiirsiiyay taliyihii ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer  Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.

Sida aan Wararka ku helnay Taliyaha ayaa xili howshiisa shaqo ku jiray waxaa la marsiiyay gaari si xowli ah u socday, waxaana taliyaha oo dhaawac culus soo gaaray ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka.

Ciidamada booliiska magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay ninkii waday gaariga taliyaha lagu dilay, waxaana la baarayaa dilkan in uu ahaa mid ku tala gal ah iyo in uu yahay mid si kam ah u dhacay.

Magaaada Burco ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka taliyaha ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka  oo ku aadan dhimashada sargaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Hub iyo maxbuus ay ku qabteen Dagaalkii Aato (Sawirro)

Cabdi Cade

Qalabkii Idaacada Al Shabaab oo la keenay Muqdisho iyo Wasiir Iidaan oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ciiidamo cusub oo loo soo dirayo Somalia iyo halka la dejinayo oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---